3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 31, 2017
Madaxweyne Farmaajo : Dalku muddo 10 sano ka badan ayuu dagaal ku jiraa

 

Talaado, October, 31, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay shirka dowladda federaalka iyo madaxda dowlad gobolleedayda ayaa si gaar ah khubadiisa diirada ugu saaray xaalada dalka iyo qorshaha dowladda ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa u sheegay madaxda dowlad gobolleedyada in ay waajib ku tahay ka shaqeynta Midnimada iyo soo celinta rajada shacabka.

Waxaa uu ku cel celiyay wadashaqeyn dhex marta dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, waxaana uu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka aanay ogeyn in dalka dagaal ku jiro, isla markaana uu muddo 10 sano uu dagaal ku jiray.

“Aniga dagaal waa iclaamiyay, laakiin 10 sano ka badan ayuu dalkaan dagaal ku jira, dad badan aanay ogeyn in dalka uu dagaal ku jiro”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa dhawaan ku baaqay in dalku gallay xaalad dagaal, loogana baahan yahay shacabka in ay isku bar bartaagaan ciidamada howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/31/2017 10:37 AM EST
Talaado, October, 31, 2017 (HOL) – Wararka ka imaanaya Tuulada Basra ee degmada Balcad gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay saqdii dhexe laga maqlay Qarax aad u weyn.

10/31/2017 8:57 AM EST
Talaado, October, 31, 2017 (HOL) - Shirkan oo uu maanta si rasmi ah u daahfuray madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir aayaa waxaa ka qeybgalay gudoomiyeyaasha baarlamannada dalalka Carbeed oo uu kamid yahay gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari, iyo mudneyaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ee xubnaha ka ah Baarlamanka carabta.

10/31/2017 7:40 AM EST
Talaado, October, 31, 2017 (HOL) – Shirka oo ay ka qeybgalayaan dhamaan wasiirada warfaafinta dowlad gobolleedyada dalka ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowladda federaalka.

10/31/2017 5:52 AM EST
Talaado, October, 31, 2017 (HOL) -Xoogagga Hubeeysan ee Falastiin ayaa wacad ku maray in ay ka jawaabi doonaan weerar ay Isniintii Israel ka fulisay waddo marta dhulka hoostiisa (Tunnel) oo ku taal koonfurta magaalada Gaza, kaa oo ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof, sagaal kalena ay dhaawacyo kazoo gaareen.

10/31/2017 4:44 AM EST
Talaado, October, 31, 2017 (HOL) – Hogaamiyaha mucaaradka Kenya oo si kulul uga jawaabay natiijadii ka soo baxday doorashadii ka dhacday Kenya ee la sheegay in uu ku guulestay madaxweynaha talada haya ee Uhuru Kenyatta.

10/31/2017 4:24 AM EST
Talaado, October, 31, 2017 (HOL) – Xoogagga Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Rasadaay ee duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay isaga baxeen ciidamada AMISOM.

10/31/2017 4:16 AM EST
Talaado, October, 31, 2017 (HOL) -- Guddiyada Amniga iyo Difaaca ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa shalay gelinkii dambe kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, iyagoo kulankan looga hadlay xaaladaha amni ee dalka iyo mooshinkii shalay la horgeeyay Baarlamaanka.

10/31/2017 12:20 AM EST
Talaado, October, 31, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo qeyb ka ah Madaxda ka qeyb galeysa shirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada ee ka socda Muqdisho ayaa sheegay dalka in uu u baahan yahay xasilooni siyaasadeed.

10/31/2017 12:13 AM EST
Talaado, October, 31, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo bilaha soo socda sidii looga wada shaqeyn lahaa sidii dalka loo xoreyn lahaa, kadib khudbad uu xalay ka jeediyay shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.