4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 31, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre’’ Xukuumadda federaalka waxaa ka go’an in ay la shaqeyso dowlad gobolleedyada

 

Talaado, October, 31, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo bilaha soo socda sidii looga wada shaqeyn lahaa sidii dalka loo xoreyn lahaa, kadib khudbad uu xalay ka jeediyay shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ay ka go’an tahay in ay la shaqeyso xubnaha kale ee wasiirada dowlad gobolleedyada, sidoo kalena la dardar geliyo shaqooyinka kale.

Wuxuu sheegay in waajibaadka qof walba hor yaala tahay oo kaliya sida uu hadalka u dhigay in lala wada dagaalamo Al-shabaab.

“Waxaan soo dhaweynayaa fikirka ah bilaha soo socda in kuligeen aan ka wada shaqeyno sidii loo xoreyn lahaa dalka, sida uu ku baaqay madaxweynaha, xukuumadda waxaa ka go’an in ay la shaqeyso xubnaha kale ee wasiirada dowlad goboleedyada” ayuu yiri Khayre.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay dowladnimada in laga balaarin doono Muqdisho, lana gaarsiin doono dhammaan gobolada dalka.

Shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada uga socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in lagu dhameeyo mad madowga yar yar ee ka dhexjira labada dhinac iyo qodobo kale oo ay ka mid yihiin xoojinta ammaanka dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]