4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 30, 2017
Xarrakada Al-Shabaab oo gobolka Hiiraan ku toogatay Nin ay ku sheegeen in uu basaas u ahaa AMISOM

 

Isniin, October, 30, 2017 (HOL) –Xarrakada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in deegaanka Buq –Aqable ee gobolka Hiiraan ku toogteen nin la sheegay in ay ku eedeyeen in uu basaas u ahaa ciidamada AMISOM, qeybta saldhiga ku leh degmada Jalalaqsi.

Al-shabaab oo ninkan magaciisa ku sheegay Cali Axmed Caddow oo 51 jir ahaa ku toogteen goob fagaaro ah.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya  ninka Al-shabaab horay ugu amreen in uu ka guuro deegaanka Durgoys oo ku yaalla duleedka Jalalaqsi una dhow saldhiga ciidamada AMISOM qeybta Jabuuti, balse uu ka madax adeegay, toddobaadkii la soo dhaafay ayaana la sheegay inay xilli habeen ah gurigiisa kala baxeen.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha u doodda ayaa dhalleeceeya qaabka ay al-Shabab dadka u maxkamadeeyaan una ciqaabaan, oo aan ahayn kuwo dadka u furan si madax bannaanna aan loo xaqiijin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]