4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 30, 2017
Uhuru Kenyatta oo la sheegay in uu ku guuleystay doorashadii madaxweynaha Kenya

 

Isniin, October, 30, 2017 (HOL) -Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya, Wafula Chebukati, ayaa ku dhowaaqay in madaxweynaha Kenya ee xilligan talada haya ee Uhuru Kenya uu ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee Khamiistii aynu soo dhaafnay ka dhacday waddankaasi.

Chebukati oo xarunta doorashada ka akhriyey natiijooyinka doorashada ayaa sheegay in madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen loo doortay Uhuru Keyatta iyo William Ruto, ayna heleen in ka badan 98% codadka la dhiibtay.

Chebukati waxaa uu difaacay qaabka ay doorashadu u dhacday, isagoo sheegay inay ahayd mid ku dhacday si xor iyo caddaalad ah.

VOA