4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 30, 2017
Marxuum Jan.Maxamed Abshir Muse oo Minnesota lagu Aasay Shalay Duhurnimadii. Sawiro& Video

Isniin, October, 30, 2017 (HOL) – Allaha u naxariistee Jan. Maxamed Abshir Muse ayaa shalay duhurnimadii lagu aasay qabuuraha Muslimiinta ee magaaladda Burnsville ee gobolka Minnesota,Murxuumka ayaa galabnimadii Arbacadda xiliga Oktoobar 25 keedii ku geeryooday gobolkaan.

Aaskii shalay ee marxuum Jan Maxamed Abshir waxaa ka soo qaybgalay dadwayne farabadan ,Culumudiinka Minnesota iyo waliba qoyska Marxuumka.

Dhamaan Culumudiinka goobta aaska ka hadashay ayaa u duceeyay murxuumka ,iyagoo dhamaantood sheegay in Allaha u Naxariistee uu ahaa shaqsi wanaagsan halkaan hoose ka daawo siduu u dhacay aaska marxuum Maxamed Abshir Muse oo ahaa taliyahii ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee lixdanaadkii.


Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Minneapolis ,MN

Photo Video by Isma Muse