3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 30, 2017
Ajandaha shirka dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada oo lagu heshiiyay [Akhriso]

Isniin, October, 30, 2017 (HOL) – Kulanka u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa lagu heshiiyay ajandayaasha looga hadlayo, iyadoo shirkan uu maanta galay maalintiisii labaad.

Ajandaha looga hadlayo shirka oo ka kooban Shan qodob ayaa la soo bandhigay kuwaa oo kale ah Siyaasadda, Amniga, Hanaanka Federaalka, dib u eegista dastuurka iyo Doorashooyinka.

Halkan hoose ka akhriso qodobada looga hadlayo shirka.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/30/2017 2:34 PM EST
Isniin, October, 30, 2017 (HOL) –Xarrakada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in deegaanka Buq –Aqable ee gobolka Hiiraan ku toogteen nin la sheegay in ay ku eedeyeen in uu basaas u ahaa ciidamada AMISOM, qeybta saldhiga ku leh degmada Jalalaqsi.

10/30/2017 12:02 PM EST
Isniin, October, 30, 2017 (HOL) -Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya, Wafula Chebukati, ayaa ku dhowaaqay in madaxweynaha Kenya ee xilligan talada haya ee Uhuru Kenya uu ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee Khamiistii aynu soo dhaafnay ka dhacday waddankaasi.

10/30/2017 10:15 AM EST
Allaha u naxariistee Jan. Maxamed Abshir Muse ayaa shalay duhurnimadii lagu aasay qabuuraha Muslimiinta ee magaaladda Burnsville ee gobolka Minnesota,Murxuumka ayaa galabnimadii Arbacadda xiliga Oktoobar 25 keedii ku geeryooday gobolkaan

10/30/2017 2:24 AM EST
Isniin, October, 30, 2017 (HOL) – Tani waa xoriyad kale oo dheeraad ah oo la siinayo Dumar Sacuudiga, kaddib markii la sheegay in loo ogolaanayo daawashada ciyaaraha garoommada lagu qabto sannadka soo socda, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

10/30/2017 1:52 AM EST
Isniin, October, 30, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maxkamada sare ee maamulka Konfur Galbeed Sheekh Axmed Cabdulaahi Xuseen(Fanax) ayaa sheegay in Maxkamada Sare ee Koofurgalbeed ay si ku meel gaar ah ugu soo guurtay gobolka Sh/hoose ayna halkaa ku shaqeyn doonto sababo amni awgeed.

10/30/2017 1:42 AM EST
Isniin, October, 30, 2017 (HOL) – Wafdi uu hogaaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo booqasho ku jooga dalka Sudaan ayaa maanta magaaladda Khartuum ee xarunta dalka Sudaan kulan kula qaatay gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Suudaan.

10/30/2017 1:35 AM EST
Isniin, October, 30, 2017 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa shalay gelinkii dambe ka qeyb-galay munaasabad agu xusayay sanad guuradii 94-aad ee ka soo wareegatay xiligii ay xurnimada qaadatay Jaamhuuriyadda Turkiga.

10/30/2017 1:29 AM EST
Isniin, October, 30, 2017 (HOL) – Dacwad oogayaasha dalka Spain ayaa sheegay in ay diyaarinayaan dacwad ka dhan ah hogaamiyihii xilka laga qaaday ee Catalonia, Carlos Puigdemont,.

10/30/2017 1:23 AM EST
Isniin, October, 30, 2017 (HOL) – Danjiraha gaarka ah Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii Sabtidii ina dhaaftay ka dhacay Hotelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

10/30/2017 1:19 AM EST
Isniin, October, 30, 2017 (HOL) – Waxaa maalintii Labaad gallay oo magaalada Muqdisho ka soconaya shirka dowladda federaalka iyo madaxweyne gobolleedyada oo maalintii shalay uu si rasmi ah u daah furay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.