4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 30, 2017
Guddoomiyaha maxkamada sare ee K/Galbeed oo sheegay in ay ku shaqeyn waayeen Baydhabo

Isniin, October, 30, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maxkamada sare ee maamulka Konfur Galbeed Sheekh Axmed Cabdulaahi Xuseen(Fanax) ayaa sheegay in Maxkamada Sare ee Koofurgalbeed ay si ku meel gaar ah ugu soo guurtay gobolka Sh/hoose ayna halkaa ku shaqeyn doonto sababo amni awgeed.

Sheekh Fanax ayaa sheegay in is hortaag lagu sameeyay howlihii maxkamada ee xafiiska magaalada Baydhabo sidaa daraadeed u soo wareegeen in ay ku shaqeeyaan gobolka Shabeellaha hoose.

Waxaa jirta eedeymo loo jeediyo maamulka Koonfur Galbeed iyo laamaha Amniga maaulka oo la sheegay in ay cadaadis ba'an ku hayaan hay'addaha Garsoorka maamulka K/Galbeed.

Akhriso Warka ka soo baxay maxkamda sare ee Koonfur Galbeed :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]