Isniin, October, 30, 2017 (HOL) – Wafdi uu hogaaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari o booqasho ku jooga dalka Suudaan ayaa maanta magaaladda Khartuum
ee xarunta dalka Sudaan kulan kula qaatay gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalka
Suudaan.
Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo waddigiisa ayaa lagu soo dhoweeyay xarunta
Baarlamaanka ee dalka suudaaan, waxaana labada guddoomiye ay ka wada hadleen
xiriirka labada dal gaar ahaan iskaashiga iyo wada shaqeynta iyo iskaashiga
labada Baarlamaan.
Sidoo kale waxaa ay labada dhinac wada qaateen kulan ay goob joog ahaayeen
xildhibaano ka tirsan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sudaan, waxaana
kulanka looga hadlay sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen, dhinacyo
badan oo ay ka mid yihiin dejinta shuruucda Baarlamaanada labada wadan ,
Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha golaha Shacabka oo
la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in sidoo kale ay labada guddoomiye
ka wada hadleen isdhaafsiga qubaro dhinaca sharciga ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]