4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 30, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre ‘’ Doorka Turkiga ee Soomaaliya wax weyn ayuu ka bedalay xaaladda


Isniin, October, 30, 2017 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa shalay gelinkii dambe ka qeyb-galay munaasabad agu xusayay sanad guuradii 94-aad ee ka soo wareegatay xiligii ay xurnimada qaadatay Jaamhuuriyadda Turkiga.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa dowladda, Shacabka iyo halgamayayaashii dalka Turkiga maalinta xoriyadda dalkooda oo dadaal dheer ay u galleen sidii ay isaga qaadi lahaayeen heeryada gumeysiga” ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre oo si gaar ah hambalyo ugu dirray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalkaas.

Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay garab istaagooda dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxuna tilmaamay in doorka Turkiga ee Soomaaliya uu wax weyn ka beddelay xaaladda Soomaaliya.

“Dawladda Turkiga waxaan si gaar ah ugu ammaaneynaa garab istaagoodii waqtigii adkaa iyo sidii ay indhaha caalamka noogu soo jeediyeen, xiliyadii ay dalkan soo wajahday xaaladaha adag oo ugu danbeysay qaraxii bishan ka dhacay Muqdisho oo door lama ilaa waan ah ay ka qaateen” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Bekar ayaa xusay in Jamhuuriyada Turkiga ay ka go’an tahay mar waliba iney taageeraan Walaalahooda Soomaaliyeed ayna ku garab istaagaan sidii ay mar kale cagahooda isugu taagi lahaayeen.

Munaasadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Madaxweyne-yaasha dawlad gobolleedyada Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo dhammaantood hambalyo ku aadan maalinta xoriyadda u diray dawladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]