Madaxweyne Farmaajo oo daah furay shirka dowladda federaalka iyo madaxda dowlad gobolleedyada
Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah Xarunta
Madaxtooyada uga furay shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo
Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Shirkan ayaa Madaxdu waxa ay ku gorfeynayaan arrimaha siyaasadda dalka, wada
shaqeynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, amniga iyo dagaalka ka dhanka
ah argagixisada Alshabaab.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdi
Faarax Siciid ayaa sheegay in shirkan uu muhimad wayn u leeyahay dadka iyo
dalka, maadaama uu ku soo beegmay xilli ay ka socdaan guud ahaan dalka
dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul dagaal oo laga xoraynayo argagixisada Alshabaab.
“Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu dhammaantood waa ay ajiibeen marti
qaadkii Madaxweynahu uu u fidiyey 22ka bishaan si looga wada hadallo arrimaha
taagan oo ay ugu hurrayso dagaalka ka dhanka ah alshabaab.”
Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka qeybgaley Raiisul Wasaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane
Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur
Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane
Maxaned Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi
Maxamed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]