4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 29, 2017
Taliyayaashii hay'addaha Nabad-sugida iyo Booliiska Soomaaliyeed oo xilka laga qaaday

 

Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Kulan goor dhaw ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha gollaha wasiirada ayaa looga dhawaaqay in xilalkii ay hayeen laga qaaday Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida.

Kulanka oo ahaa mid aan caadi ahey ayeey gollaha wasiirada isku raaceen in xilalka laga qaado taliyayaasha Booliiska iyo Nabad-sugida Jen C/xakiin Daahir Saciid iyo C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xilalkooda sii haye looga dhigay Ku-xigeenadooda, inta laga soo magacaabayo Taliyeyaal cusub.

 

Xil ka qaadistan ayaa timid kaddib markii markii labo todobaad gudahood uu magaalada Muqdisho ka dhacay labo weerar oo dad badan lagu laayay, iyadoo kii ugu dambeeyay xalay lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2.

Talaabadan ay qaadeen gollaha wasiirada ayaa aheyd mid horeba loo sii filayay marka loo eego dhacdooyinkii is xigxigan ee todobaadkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]