4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 29, 2017
Xildhibaanno ka hadlay Muran ka taagan milkiyada guryaha Banki-yada degmada Wadajir


Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Kulan ay isugu yimaadeen Saraakiisha, Shaqaalaha Bankiga iyo Dhaxaltooyadooda oo ay uga hadlaayeen guryaha ay kaga milkiyeen sida sharciyeed Bankiga dhexe ee ku yaala degmada Wadajir ayaa looga hadlay xaallada guryahaas kaddiib markii masuuliyiin ka tirsan Bankiga dhexe ay sheegeen in ay guryahaas yihiin guryo ay dowlada leedahay.

Kulankaan oo ay ka soo qayb galeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Saraakiishii hore ee Bankiga Dhexe iyo dhaxaltooyadooda ee iska leh Guryahaas iyo Bulshada ku Nool Degaankaas ayey Dhamaantood isla qireen in Guryahaas ay si Sharci ah ku Kasbadeen ama ku Milkiyeen ee ay hantidooda ku gateen Shaqaalahii Bankiga Dhexe.

Waxaa kulanka ugu horeyn ka hadley Xassan Cilmi Barkhadle oo ahaa Khasnajigii Bankiga Dhexe ee Dawladii Barisamaadkii, ayaa shaagey  in aysan marnaba yeeli doonin in si Xaqdaro ah looga qaado guryahas, isaga oo sheegay in ay ku nool yihiin dad aad u jilicsan Agoon iyo waayeelba leh.

Avv Tahliil oo ka mid ah Qareenada u doodaya dadkaas oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in Millkiilayaasha Gurayahaas tiro dhowr jeer ah la isku dayey in xoog lagu maquuniyo hasse ahaatee waxaa uu sheeegey markii dambe dacwad Idaari ah u geyeen Maxkamada Sare, oo aan ku dureynay go’aan ka soo baxay Guddomiyaha Bankiga Dhexe ee aan ku gudbooneyn Saraakishii iyo Shaqaalahii u soo halgamay habsamida Bankiga Dhexe, halkaasna ay Maxkamadda Sare ku baabi’isay go’aankaas islamarkaasna caddeysey in guryayaas aan laga saari Karin Shaqaalaha deggan ee hawlgabka ku noqday u shaqeynta Bankiga Dhexe ee Soomaaliyeed, waxuu kaloo intaa ku daray

“Maamulka Bankiga Dhexe uu horay u go’aansaday in guryaha lagu dhiso lacagta dhigaalka shaqaalaha “PENSION FUND” ka dibna wuxuu shaqaalihiisa kula heshiiyay in ay deyn ahaan ku qaataan guryaha, iyadoo heshiiska lagu saleeyey habka loo yaqaanno “Kireyso oo Yeelo” (RENT TO OWN SYSTEM)” sidaas darteedna ay Maxkamadda Sare sheegtey in ciddi guryaahaas ku sheeganeysa Milkiyad ay ka dacwoon karto Maxkamadaha iIhtisaaska u leh Dacwadaha Milkiyadda.

Waxaa kaloo kulankaas ka hadlay Avv Cabdikariim oo ka mid ah Qareenada u doodaya Dadkaas waxaa uu sheegey in ujeeddada qabashada kulankaan ay tahay iney uga diggaan ganacsatada guud ahaan oo ay ku jiraan kuwa ajnabiga ah inaaney ku kadsoomin Gadashada guryahaas, maxaa yeelay waa guryo ay yeesheen ama ay ku Milkiyeen Saraakiisha iyo Shaqaalaha Bankiga kaddib markii dhulkaas lagu bixiyay siismadiisa lacagtoodii hawgabka ahayd intii ka soo hartayna lagu dhisay Haaftadii ay Mushaarkooda si Tartartiib looga Jari jirey. Wuxuu intaas raaciyay “Sideedaba sharciga lagu dhisay Bankiga Dhexe ka mamnuucaayo inuu sameeyo ganacsi si waafaqsan Qodobka 56aad ee Sharci lambar 130 ee 22 Abriil 2012.

Xildhibaanad Maryan Axmed Haaruun oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka gaar ahaan Gudiga Xaquuqul insaanka Baarlamaanka oo ka hadashey Kulankaas ayaa waxay tiri “Halkaan waxaan u nimid Dhibaato Dhowr jeer soo noqnoqotey oo ay qabaan dadka halkaan deggan ee leh Guryahaan, markaan arkey Hooyo Shagaanshan jir ah oo oyneysa, Markaan arkey Dadka halkaan deggan in loo diidey Addeegyadii Nolol Maalmeedkoodii sidaa darteed waxaan u sheegayaa dadka dhibaya dadkaan in ay ka joogaan waayo waxaan nahay Xildhibaanadoodii oo u taagan in ay difaacaan.

'''Dowladda waxaan u sheegeyaa in dadka yihiin dad Soomaali ah, sidaas darteed waxaan u soo jeedinayaa madaxda sare in ay arrintaan deg deg wax uga qabtaan ayuu yiri xildhibaan Cabdullaahi Shaacir oo arintan ka hadlay

''Waxaa naloo soo doortey in aan ka damqano dhibaatada Shacabkeena marka waxaan dowladda leeyahay ha fiiriso hana u guurgasho in caruurta  ku nool deggaankaan qaarkood ay yihiin  Agoon, Haween iyo Odoyaal da’ ah ee la doonayo in Xaqooda la duudsiiyo ayuu yiri xildhibaan Sakariye oo goobta ka hadlay

Waxaa ay madaxda madaxda sare ee dowlada loo jeediyey in ay arrintaan wax ka qabtaan maadaama Guryahaas ay leeyhiin Shaqaalahii Bankiga ayna yaalaan Heshiisyadii lagula wareegey.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]