4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 29, 2017
Kulamo hor dhac ah oo dhaxmaray mas’uuliyiinta dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleedyada

 

Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Waxaa soconaya kulamo hor dhac ah oo u dhaxeeya mas’uuliyiinta dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada oo ku wada sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa la sheegay in uu hor dhac u yahay shirka goor dhow u furmaya Madaxda, kaasoo looga hadlayo khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada, xaaladaha nabadgelyo ee dalka, arrimaha dastuurka iyo qodobo kale.

 

Shirka ayaa ka furmi doona Hoolka shirarka ee Xafiiska madaxweynaha, waxaana lagu wadaa in shirka si rasmi ah u furo Madaxweyne Farmaajo.

Shirkan ayaa dhacaya maalin kaddib markii weerar lagu hoobtay ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2 oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]