4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 29, 2017
Shirka madaxda Qaranka iyo saameynta Qaraxii Naasa Hablood

 

Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay jirto saameyn uu ku yeeshay weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho shirkii madaxda Qaranka ee lagu waday in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay yeelan lahaayeen mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleedyada dalka ka jira, ayaa mar kale dib u dhac ku yimid madaama qorshuhu ahaa in uu furmo saacadihii hore ee maanta.

Ilo kala duwan oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in mas’uuliyiintii ka qeybgali laheyd shirkan qaarkood mashquul ku yihiin ka qeybgalka Aaska dadkii ku dhintay qaraxyadii shalay ka dhacay caasimada oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin iyo shaqsiyaad xilal ka hayay dowladda iyo maamul gobolleedyada qaarkood.

Dadka qaraxii shalay ku dhintay waxaa ka mid ahaa wasiirkii arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunoow Maxamed oo dhinaca kalana ahaa siyaasi Soomaaliyeed oo siweyn loo garanayo, waxaana uu Madoobe ka mid ahaa wafdigii Shariif Xassan Sheekh Aadan ee u yimid ka qeybgalka shirka Muqdisho ka furmi lahaa maanta.

Madaxweyne Shariif Xassan ayaa la sheegay in uu ku mashquulsan yahay sagootinta meydka marxuum Madoobe Nuunoow oo loo qaadayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ilaa saacadaha danbe ee maanta ayaa la filayaa in uu shirku si rasmi ah u furmo halka wararka kalana sheegayaan suurtagalnimada in ilaa maalinta berri ah uu dib u dhaco.

Waxaa jira kulamo hoosaadyo u soconaya mas'uuliyiinta dowladda federaalka iyo madaxweyne gobolleedyada ku sugan caasimada, kuwaa oo la sheegay in looga arrinayo furitaanka shirka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]