4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 29, 2017
Saraakiisha Amniga oo sheegay in la soo afjaray Howlgalkii hotelka Naasa Hablood

 

Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Saraakiisha hay’addaha Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarkii hoteelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho oo dabley hubeysan ay shalay gudaha u galeen.

Tirada dhimashada ayaa la sheegayaa in ay ka badan tahay 20 qof halka dhaawacuna uu ka badan yahay 30 qof.

Inta la xaqiijiyay dadka dhintay waxaa ku jira mas'uul ka tirsan guddiga taakuleynta ciidamada islamarkaana ahaan jiray xildhibaan ka tirsan baarlamaanka iyo wasiir ka tirsan maamulka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka tacsiyeeyay dadkii weerarkaasi lagu dilay, waxa uuna sheegay in weerarada Al-Shabaab aysan marnaba niyad jebin doonin dowladdiisa.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkani, waxa ayna sheegtay in bartilmaameedkoodu ahaa hoteelka Naasa Hablood 2 oo ay sheegeen in ay deganaayeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Qaraxyadani ayaa ku soo beegmaya todobaad kaddib qaraxii waynaa ee 14-ka bishan ka dhacay isgoyska Soobe ee isla magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]