4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 29, 2017
Shirka dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada oo la filayo in uu maanta furmo

 

Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Waxaa lagu waddaa Magaalada Muqdisho in uu maanta ka furmo Shirka Madaxda maamul gobolleedyadda iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa horay waxaa u shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed, waxaana lagu wadday in uu furmo shalay,inkastoo uu dib u dhacay oo maanta lagu balamay.

Waxaa Magaalada Muqdisho ku sugan dhammaan Madaxda maamul goboleedyadda, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Kulanka ayaa waxaa si weyn diiradda loogu saari doonaa Khilaafka ka dhaxeeya dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Laakiin dhinaca kale marka la eego waxaa shirkan ayaa imanaya xili saacadihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ay ka jireen dhacdooyin Amaan darro iyo weeraro galaaftay nolasha ku dhawaad 20 ruux oo ay ka mid ahaayeen mas’uuliyiin.

Dadka dhintay ee weerarada iyo qaraxyada Muqdisho ka dhacay lagu dilay waxaa ka mid ahaan mas’uuliyiin Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka maanta furmaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]