3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 29, 2017
Haweenney ku dul Umushay Diyaarada Jubba Airways xili ay ku jirtay dullimeedkeedii caadiga ahaa

 

Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Waxey aheyd dhacdo cajiib ah oo isugu jirtay badbaadin iyo naf hurnimo kaddib markii Haweenney ku dul Umushay diyaarada Jubba Airways xili ay ku jirtay dulimaadkeedii caadiga ahaa.

Diyaarada oo ka soo duushay magaalada Hargeysa kuna soo jeeday Muqdisho dullimaadkeeduna ahaa ilaa Nairobi ayaa xili ay dulmareysay deegaanka Qabri Dahare ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya dhulkana u jirtay 32,000 (Soddun iyo labo kun) oo cagood (feet)] waxaa uu mid ka mid ah rakaabkii la socday oo lagu magacabo Maxamed Cali Jimcaale ku soo wargaliyay shaqaalaha Jubba Airways in ay jirto qof dumar ah oo xanuunsaneysa islamarkaana u baahan in la caawiyo.


Inj. Kaamil A. Olol Diinle


Hasse ahaatee markii uu warka arintan ku saabsan soo gaaray howlwadeennada waxaa markiiba gurmad u sameeyay Injineerka diyaarada oo lagu magacaabo Kaamil Olol Diinle oo ka soo kaxeeyay hooyada xanuunsaneysa halkii ay diyaarada ka fadhiday isaga oo keenay qeybta Business Class –ka, kaddib markii la ogaaday in ay foolaneyso.

Injineer Kaamil ayaa codbaahiyaha diyaaradaha ku weydiiyay rakaabka bal haddii ay jirto qof taqaana cilmiga Umuliso-nimada , waxaana nasiib wanaaag la helay Umuliso Xafsa Axmed iyo kalkaaliso Safiyo Ceydiid oo labaduba ka howlgalay in ay si caadi ah u dhasho Hooyada magaceeda lagu soo koobay Ibtisaam oo umushay Wiil. 

Arrintan oo ah mid Dhif iyo Naadir ah ayuu qof ka mid ahaa dadkii la socday diyaarada ku caawiyay wiilka yar Buste la huwiyo.

Kabtanka diyaarada oo lagu magacaabo Capt Nish Seebran oo xiriir la soo sameeyay garoonka diyaaardaha magaalada Muqdisho waxaa uu codsaday in laga hormariyo dayaaradaha kale , waxaana uu kordhiyey orodkiisa isaga ka soo hormaray 10 daqiiqo waqtigii caadiga ahaa loogu talgalay in ay diyaarada soo caga dhigato si loo badbaadiyo xaalada caafimaad ee Hooyo Ibtisaam iyo Ilmaheeda yar ee ku dul dhashay diyaarada.

 

Wararkii ugu danbeeyay oo ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in Hooyo Ibtisaam iyo Wiilkeeda Yar oo loogu magac darray [Kaamil] caafimaadkoodu wanaagsan yahay.

Sida duulimaadyada caalamiga ah ee adduunka, haddii uu canug ku dhasho dayaaradda oo ku jirta duulimaad , waxaa uu shirkada diyaaradaas ku yeeshaa xuquuq ah dulimaad lacag la’aah ah inta nolashiisa ka dhiman, lamana oga in Shirkada Jubba Airways Kaamil Yare ka heli doono xaquuqdaa taa la mid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]

 













Click here
10/29/2017 10:26 AM EST
Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah Xarunta Madaxtooyada uga furay shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

10/29/2017 8:31 AM EST
Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Kulan goor dhaw ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha gollaha wasiirada ayaa looga dhawaaqay in xilalkii ay hayeen laga qaaday Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida.

10/29/2017 8:02 AM EST
Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Kulan ay isugu yimaadeen Saraakiisha, Shaqaalaha Bankiga iyo Dhaxaltooyadooda oo ay uga hadlaayeen Guryaha ay kaga Milkiyeen sida sharciyeed Bankiga Dhexe ee ku yaala Degmada Wadajir ayaa looga hadlay xaallada guryahaas kaddiib markii Masuuliyiin ka tirsan Bankiga Dhexe ay sheegeen in ay guryahaas yihiin guryo ay dowlada leedahay.

10/29/2017 7:40 AM EST
Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Waxaa soconaya kulamo hor dhac ah oo u dhaxeeya mas’uuliyiinta dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada oo ku wada sugan magaalada Muqdisho.

10/29/2017 4:50 AM EST
Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay jirto saameyn uu ku yeeshay weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho shirkii madaxda Qaranka ee lagu waday in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

10/29/2017 4:21 AM EST
Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Waxaa gallinkii danbe ee shalay soo gaaraya magaalada Muqdisho madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Cabdi Xaanshi Carabey, guddoomiyaha baaarlamaanka Cali Gacal Casir iyo labadiisa ku-xigeen.

10/29/2017 3:15 AM EST
Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Saraakiisha hay’addaha Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarkii hoteelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho oo dabley hubeysan ay shalay gudaha u galeen.

10/29/2017 2:48 AM EST
Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Waxaa lagu waddaa Magaalada Muqdisho in uu maanta ka furmo Shirka Madaxda maamul gobolleedyadda iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya.

10/29/2017 1:06 AM EST
Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war ka soo saaray weerarkii galabta Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2 ee degmada Xamar weyne, isagoo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkaas.

10/29/2017 1:01 AM EST
Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Wasiirkii arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa ka mid noqday siyaasiyiin xalay ku geeriyootay weerarkii cuslaa ee lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho.