4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 29, 2017
Madoobe Nuunoow Maxamed oo ku geeriyooday weerarkii Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho

 

Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Wasiirkii arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa ka mid noqday siyaasiyiin xalay ku geeriyootay weerarkii cuslaa ee lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay geerida Wasiirka.

Waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta degan Gudaha Hoteelka, waxaana la sheegay in ay toogteen raggii hubeysnaa ee galay Gudaha Hoteelka.

Sidoo kale weerarka waxaa ku dhintay xildhibaan hore C/naasir Gaarane oo hadda ka mid ahaa guddiga Taakuleynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Weerarka waxaa sidoo kale lagu dilay Col. Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax) oo ahaa taliyihii ciidamada booliska degmada Dayniile.

Guud ahaan tirada dadka ku dhintay weerarka ayaa gaaraya 20 ruux oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya waxaana uu hadda ka mid ahaa wafdigii Shariif Xassan Sheekh Aadan ee u yimid ka qeybgalka shirka dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]