4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2017
Xildhibaan Hore C/naasir Gaarane oo kamid noqday dadka ku dhintay Qaraxii Hotel Naasa Hablood 2

Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Waxa isa soo taraya qasaaraha ka dhashay qaraxyo is xigxigay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Hotel Naasa Hablood 2, waxaana lagu soo waramayaa in dadka geeriyooday uu kamid yahay Xildhibaan Hore C/naasir Gaarane.

Xildhibaanka iyo masuuliyiin kale ayaa markii uu weerarku dhacayay la sheegay in ay ku sugnaayeen Hotelka, waxaa sidoo kale la sheegay in qaraxu uu ku dhintay taliyihii saldhigga Booliska degmada Dayniile Max'ed Yuusuf Nuur (Fanax).

Ilaa hadda inta la ogyahay 12 qof ayaa ku dhimatay, ku dhawaad 20 kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo, waxaana suurogal ah in qasaaruhu intaa ka badanyahay, maadaama goobta uu qaraxu ka dhacay ay ahayd meel aad u mashquul badan.

Maleeyshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.

Dowladda Soomaaliya weli faahfaahin rasmi ah kama bixin weerarka iyo qasaaraha ka dhashay.

Wararkeenna danbe ayaad kula socon doontaa wixii kasoo kordha.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.