4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2017
Qarax Labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu danbeeyay weerarka Hotelka Naasa Hablood

 

Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Qaraxyo is xig xigay ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana qaraxa hore uu ka dhacay Hotelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Qarax Labaad ayaa ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo la dhigay Agagaarka Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay ka war hayeen Qaraxaasi, islamarkaana ay dadka shacabka kaga digeen in ay halkaasi ka Agdhawaadaan.

Warar kala duwan ayaa wali ka soo baxaya weerar Ismiidaamin iyo mid toos ah isugu jiray oo ka dhacay Hotelka Naasa Hablood oo ugu yaraan 10 ruux lagu waramayo in ay ku dhinteen.

Dadka geeriyooday ayaa la sheegay in ay ku jiraan saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda federaalka.

Hotelka la weeraray ee Naasahablood 2 ayaa ku dhaw xarunta Nabadsugida Gobolka Banaadir ee loo yaqaanay Godka Jilacow, sidoo kale waxaa uu kaabiga ku hayaa xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo uu yaalo Koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]