4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2017
Faah faahin ku saabsan qarax goor dhaw ka dhacay hotelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho

 

Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Inta la og yahay ku dhawaad 10 ruux oo shacab u badan ayaa goor dhaw ku dhintay qarax xoogan goor dhaw ka dhacay Ilinka hore ee Hotelka Naasa Hablood 2 degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa daba socday sida warar soo baxaya sheegayaan kooxo dabley ah oo gudaha u gashay Hotelka la weeraray ee Naasa Hablood.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay rasaas culus halkaa isku weydaarsanayaan dabley hubeysan.

Gadiidka gurmadka deg deg ah ayaa halkaa ka qaaday ku dhawaad 15 ruux oo ku dhaawacmay qarxa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]