3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2017
Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay Agagaarka Hotelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho

 

Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Qaraxan oo ahaa mid xoogan oo siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw ka dhacay Agagaarka Hotelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamar Weyne.

Qaraxan oo ahaa sida ay dad ka agdhaw goobta sheegeen mid Ismiidaamin ahaa ayaa waxaa xigan rasaas xoogan oo aan la ogeyn cida is weydaarsaneysa, wararka qaarna waxaa ay sheegayaan in kooxo hubeysan la dagaalamayaan ciidamada dowladda.

Gadiidka Gurmadka ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay oo halkaa ka so qaadaya dhaawacyada dadka ay wax yeelladu soo gaartay.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]













Click here
10/28/2017 1:42 PM EST
Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Waxa isa soo taraya qasaaraha ka dhashay qaraxyo is xigxigay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Hotel Naasa Hablood 2, waxaana lagu soo waramayaa in dadka geeriyooday uu kamid yahay Xildhibaan Hore C/naasir Gaarane.

10/28/2017 12:04 PM EST
Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Qaraxyo is xig xigay ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana qaraxa hore uu ka dhacay Hotelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

10/28/2017 10:55 AM EST
Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Inta la og yahay ku dhawaad 10 ruux oo shacab u badan ayaa goor dhaw ku dhintay qarax xoogan goor dhaw ka dhacay Ilinka hore ee Hotelka Naasa Hablood 2 degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

10/28/2017 10:20 AM EST
Sabti, Octobar,28, 2017 (HOL)- Ciidamada Amniga Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay koox dhallinyaro ah oo guriga musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADANI xalay gurigiisa shiid iyo dhagaxaan ku weerartay.

10/28/2017 10:00 AM EST
Sagaal masaajid oo ku yaal gobolka Minnesota ayaa lacag gaaraysa $240.000 kun oo Dollar u uruuriyey dadkii ku wax yooloobay qaraxii 14 Oktoobar ka dhacay magaaladda Muqdisho

10/28/2017 6:23 AM EST
Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Dib u dhac ayaa ku yimid shirkii qorshuhu ahaa in uu maanta uga furmo magaalada Muqdisho dowladda federaalka iyo madaxda maamulada dalka ka jira.

10/28/2017 5:06 AM EST
Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa goordhow ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

10/28/2017 2:12 AM EST
Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa kala diray Baarlamaanka goboleedka Catalan, isagoo ku baaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay oo dhaca dhamaadka sanadkan.

10/28/2017 2:04 AM EST
Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Qarax miino lagu dhaawacay guddoomiyaha degmada Cadale oo lagu magacaabo Maxamed Muuse.

10/28/2017 1:54 AM EST
Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Maxkamad ku taala dalka Germany ayaa xukun xabsi ah ku riday koox hubaysan oo la sheegay inay ka dagaalameen wadamada Syria iyo Somalia.

10/28/2017 1:41 AM EST
Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay xoojinayso howlgalka ka dhanka Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee ka socda Xeebaha Soomaaliya iyo meel kale ee ka baxsan.

10/28/2017 1:27 AM EST
Sabti, October, 28, 2017 (HOL) – Qaraxii 14 October ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed , waxaana markiiba bilaawday gurmad loo fidinayo dadkii ay wax yeellada ka soo gartay qaraaxa oo ka kala imanayay dalka gudihiisa iyo dibeda intaba.

10/28/2017 1:20 AM EST
Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Sida horeyba loo sheegay maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka furmo shirka dowladda dhexe iyo maamulka gobolleedyada qeybta ka ah dowladda federaalka.