4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2017
Shan qof oo loo soo qabtay koox dhalinaro ah oo soo weerartay guriga musharaxa xisbiga WADANI

 

Sabti, Octobar,28,  2017 (HOL)- Ciidamada Amniga Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay koox dhallinyaro ah oo guriga musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADANI xalay gurigiisa shiid iyo dhagaxaan ku weerartay.

Sidoo kale, dhacdadaasi waxa ka hadlay gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga WADANI C/qaadir Jirde oo sheegay in kooxdii xalay guriga musharaxa xisbiga shiiday qaarkood ay waalidkooda u yimid oo ay raaligalin ka bixiyeen, islamarkaana ay raaligalintaasi ka aqbaleen.

“koox dhalinyaro ah ayaa xalay guriga musharaxa xisbiga WADANI C/raxmaan Cirro shiid iyo dhagaxaan la dhacay waxay isku dayeen inay xoog ku soo galaan guriga, waxaase ka hor tagay ciidankii ilaaladda ka ahaa, waxaanay dhagaxaantii ay shiidayeen ku dhaawaceen askartii ilaaladda ahayd, wuxuuna hayaa khasaare fudud oo ay ku doonayeen inay guriga koox ku soo galaan oo ay dadka dhibaateeyaan”ayuu yiri Jirde gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbigaasi.

 

Waxanu intaasi ku daray “dadki loo aanaynayey falkaasi waalidkooddii ayaa noo yimid oo naga raali galiyey waana ka aqbalay, laakiin arrintaasi waxaanu u aragnay arrin la soo abaabulay waxaana u haysanaa inay ka dambeeyeen dadkii aanu tartamaynay”.

C/qaadir Jirde waxa uu taageerayaashiisii ugu baaqay inay ka ficil qaadaan falkaasi,isla markaana ay nabadda ilaaliyaan.

Sidoo kale, taliyaha Ciidanka Booliska C/laahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in kooxdii guriga musharaxa xisbiga WADANI weerartay loo qabtay shan qof oo falkaasi ku jiray oo qaarkood waalidkood soo qabteen oo ay gacanta usoo galiyeen booliska.

“kooxo dhalinyaro ah ayaa weerartay guriga musharaxa xisbiga WADANI way shiideen ciidanka booliska ayaa markii dhacdadaasi soo gaadheen wuxu galay hawlgal balaadhan, waxay gacant ku soo dhigeen afar qof oo dadkii falkaasi gaystay iyo laba baabuur, waxa kale oo waalidkood keenay hal wiil oo booliska loo soo dhiibay,waan ku hambalyeynayaa waalidkaasi noo soo gudbiyey wiilkoodii kooxdaasi ku jiray, waana dhacdo ku cusub oo aan ciidanku u dul qaadanayn, waxa la hayaa shan qof iyo laba baabuur dhamaantood waxa la hor keeni doona sharciga”ayuu yidhi taliyaha booliska Fadal.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhalinyaro xisbiga WADANI ah oo weerartay xafiisyo xisbiga kulmiye ah loo qabtay hal qof, kuwaas oo uu sheegay inay ka daba tagi doonaan oo dhalinyarta falalka noocaas oo kale ah isku dayaan ay gacan bir ah ku qaban doonaan.

Taliyaha Booliska Somaliland Fadal ayaa sheegay in dhalinyaro kooxo ah oo inta badan booliska iska hor iman jiray ama habeenkii rabshado abaabuli jiray ay hadda ku kala biireen taageerayaasha xisbiyadda, waxaanu ugu baaqay in xisbiyaddu dhallinyarta noocaas ah iska fogaan oo aanay ku dhex gaban xisbiyadda.

Dhinaca kale, musharaxa xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE Muuse Biixi ayaa isna arintaasi cambaareeyey,isla markaana ku tilmaamay madownimo aan la aqbali Karin, isagoo dadkii arrintaasi sameeyeyna ugu baaqay in sharciga la horkeeno.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.