4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2017
Sagaal Masaajid oo Minnesota ku yaal oo $240.000 u Aruuriyey Dhibanayaashii Qaraxii Zope 14 Ocktoobar ka dhacay ,VIDEO

Sabti, October, 28, 2017 (HOL) -Sagaal masaajid oo ku yaal gobolka Minnesota ayaa lacag gaaraysa $240.000 kun oo Dollar u uruuriyey dadkii ku wax yooloobay qaraxii 14 Oktoobar ka dhacay magaaladda Muqdisho .

Hadaba kulan ay habeenimadii xalay ay ku qabteen qaar ka mida culumo-udiinka sagaalkaa xarumood Masaajidka Karmel ee Minneapolis ayeey ku cadeeyeen tirada lacagta ay isku geeyeen inay noqotay Labo Boqol iyo Aftaan Kun oo Dollar.

 lacagtaan ayaa inteeda badan la aruuriyey jimcahii 20 Oktoobar  xiligii salaada Jimcaha maalintaas ooh ore loo iclaamiyey in guud ahaan masaajidadaa maalintaas loo istaagi doono dhaqaalo ururnta dadka qaraxu uu dhibaatada u keenay,

Culumaddii xalay kulanka qabtay ayaa sheegay in hadii ummudu ay iskaashato ay wax u qaban karaan dalkoodii hooyo, tana waxay tusaale u tahay awooda ay leedahay midnimadu ayeey aad ugu celceliyeen, kulankoodii xalay ayeey ku sheegeen hadii gobolka Minnesota kaliya laga aruuriyey intaan guud ahaan maraykanka kalena ay ka filayaan intaa iyo in ka badan in laga heli karo.

Sagaalka masaajid ee ku yaal gobolka Minnesota ee awoodooda isagu geeyay inay si wadajira u caawiyaan dadkaas Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaartay ayaa kala ahaa ,

Masjid.Karmel

Masjid Umatul Islam

Masjid Dacwa

Masjid Rawdah

Masjid Darul Hijrah

Masjid Cumar ( 24 Mall)

Masjid Darul Faruuq

Masjid Darul Culuum

Masjid Abu Hurayrah.

Intaa kadib shir ay xalay culumaddu ku qaateen masaajidka Karmel ayeey ku sheegeen in lacagta ay qaadi doonaan gudi ka ambabaxi doona gobolkaan Minnesota gudidaas oo soo hubin doonta taburucaadkaasi inuu galo gacantii saxda aheed ,iyadoo waliba la cadeeyay in lacagta cadaadkaas leh aan wax qidmad ah laga goyn doonin ,qarashaadka ku baxi doona qaadista & safarkuna uu ka gooni ka noqon doono yaboohii ay dadku ugu yabooheen walaalahooda ay dhibaatadu ku soo gaartay qaraxaas.

Masaajidada Minnesota maaha markii ugu horeeysay oo ay isagu yimaadaan taakulaynta dadkooda waxayna dadaalkaan mid la mida hore ugu gaysteen xilyadii abaaraha ama xiliyada ay yimadaan fatahaadyada iyo masiibooyinka kala duwan eek a dhaca geeska Afrika .

Siyad S Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis,MN