4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2017
Shirkii dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada oo dib u dhacay

 

Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Dib u dhac ayaa ku yimid shirkii qorshuhu ahaa in uu maanta uga furmo magaalada Muqdisho dowladda federaalka iyo madaxda maamulada dalka ka jira.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax (Juxa) oo Warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in uu maanta baaqday shirkii la filyay in uu dhaco.

Waxaa uu sheegay wasiirka in shirka madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada uu beri furmayo, waxa uuna intaa raaciyay in sababta maanta u baaqday ay tahay in Madaxda qaar aysan wali Muqdisho imaan .

Madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaan wali soo gaarin magaalada Muqdisho , waxaana la filaaa in saacadaha soo aadan labadaasi Madaxweyne soo gaaraan magalaada Muqdisho.

Waxaa hada Muqdisho ku sugan magaalada Muqdisho maamulada Hirshabelle, Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Madaxweynaha Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]