4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Spain oo kala diray Baarlamaan goboleedka Catalan

 

Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa kala diray Baarlamaanka goboleedka Catalan, isagoo ku baaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay oo dhaca dhamaadka sanadkan.

Baarlamaan goboleedka Catalan ayaa shalay u codeeyay inay noqdaan dal ka madax banaan Spain, taasoo ka dhalatay jahwareer siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha Spain ayaa sheegay in la baal maray sharciga, waxaana uu xilka ka qaaday Hoggaamiyaha Catalan iyo Golihiisa Wasiirada.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ka soo horjeestay madax banaanida Gobolka Catalan, waxaana ay taageereen Midnimada dalka Spain.

Todobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa ka jiray gobolka Catalan dibadbaxyo ay dadka ku dalbanayeen madax banaani, waxaana tani ay keentay walwal ku aadan midnimada dalkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]