4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2017
Guddoomiyaha degmada Cadale oo Qarax Miino lagu dhaawacay

 

Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Qarax miino lagu dhaawacay guddoomiyaha degmada Cadale oo lagu magacaabo Maxamed Muuse.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in gaari uu la socday lagu bartilmaameedsaday deegaanka lagu magacaabo Garsaale xili uu ku sii jeeda dhinaca magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha ayaa dhaawaciisa la dhigay Isbitaalka Jowhar halkaa ma jiro faah faahin intaa ka badan oo la xiriirta qaraxa lala eegtay guddoomiyaha.

Dhawaan ayeey aheyd markii ku dhawaaad 10 ruux oo shacab ah lagu dilay miino ku qarxaday gaari ay la socdeen dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]