4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2017
Maxkamad Xukun ku riday dhalinyaro lala xiriirinayo Al-shabaab iyo Daacish

 

Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Maxkamad ku taala dalka Germany ayaa xukun xabsi ah ku riday koox hubaysan oo la sheegay inay ka dagaalameen wadamada Syria iyo Somalia.

Qaadiga Maxkamada Farankfort ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Abshir Axmed oo 29 sano jir uu ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacaayay Soomaaliya intii u dhaxeeysay 2012-ka ilaa 2014 waxana ay ku riday xukun gaaraya Labo sano iyo 10 bilood.

Xeerbeegtida ayaa soo jeedisay in ninkaan oo ku dhashay magaalada Muqdisho qaatay jinsiyada dalka Germany uu wajaho Saddex sano iyo Bar oo xabsi ah.

Maxkamada ayaa sheegtay Abshir in uu 4 bilood uu ku tababaranayay Saldhig ay maamulaayen Al-shabab 2012-ka.

Saraakiil Ninkaan u doodeysay ayaa shaaca ka qaaday in Abshir uu xaalad caafimad uga soo baxay Al-shabaab uuna beeninayo in uu u dagaalamay dagaalamayaashoodi.

Dhinaca kale  Maxkamada ayaa waxaa ay xukun Labo sano iyo Siddeed bilood ah ku riday muwadin Turkiyaan ah oo la sheegay in uu ka bar bar dagaalamay kooxda Daacish ee Syria

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]