4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2017
Shirkada korantada ee BECO oo deeq lacageed gaarsiisayay Ehelada dadkii ku dhintay Qaraxii Zoobe


Sabti, October, 28, 2017 (HOL) – Qaraxii 14 bishan  October ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho  waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed , waxaana markiiba bilaawday gurmad loo fidinayo dadkii ay wax yeellada ka soo gartay qaraaxa oo ka kala imanayay dalka gudihiisa iyo dibeda intaba.

Shirkada Korantada BECO oo ka mid ah dhinacyada gurmadkan ka qeyb qaadanaya ayaa wajigii labaad waxaa ay deeq gaarsiisay ehelada dadkii ku dhintay, deeqdaas oo dhan $70 Kun oo dollar.

Cabdiraxmaan Cali Jaamac ah gudoomiyaha shirkada BECO oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedada gurmadkoodu yahay in la caawo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ay jeclaayeen oo aan ogaanay ayuu yiri in ay heystaan dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca nolasha ah.

“Shirkada Korontada BECO waxaa mar waliba ka go’an in ay caawiyaan bulshadooda waana waajib na saaran” ayuu yir gudoomiyaha shirkada oo sheegey in shirkada ay sii wadi doonto caawinaada noocaan oo kale ah.

Waxaa uu intaa ku darray“ Maadaama aan u adeegno Bulshada Soomaaliyeed waxaan na saaran waajib kale oo ah in marka ay dhacaan masiibooyinka noocaan oo kale ah in shirkada ay bulshadeeda la qaybsato dhibaatooyinka waana hadafkeena koowaad”

Dadkii deeqdan la gaarsiiyay ayaa siweyn uga mahad celiyay gurmadka ay u fidisay shirka BECO, waxaana ay intaa ku dareen in ay ka filayaan qeybaha kale ee bulshada gurmadkan oo kale ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]