4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2017
Shirka dowladda Dhexe iyo maamul gobolleedyada oo maanta ka furmaya Muqdisho

 

Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Sida horeyba loo sheegay maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka furmo shirka dowladda dhexe iyo maamulka gobolleedyada qeybta ka ah dowladda federaalka.

Shirka ayaa waxaa ku baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaddib markii uu soo ifbaxay khilaaf siyaasadeed adag soo kala dhaxgalay dowladda federaalka iyo madaxda dowlad gobolleedyada.

Shalay waxaa Muqdisho yimid madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana maanta la sugayaa madaxweynayaasha maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo dhawaan Jowhar uga qeyb galay munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha Hirshabeelle ayaa halkaa ka sheegay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya labada dhinac laakiin lagu xalin doono sida uu hadalka ku dhigay shirka loo balansan yahay ee maanta ka furmaya Muqdisho.

Khilaafka ugu xoogan ee labada dhinac ayaa soo shaac baxay kaddib markii inta badan madaxda dowlad gobolleedyada taageero u muujiyeen xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee la xiriira khilaafka Khaliijka, iyaga oo ka hor yimid go’aankii ay dowladda ka qaadatay muranka iyo xasarada siyaasadeed ee ka dhax oogan wadamada Carabta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]