4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 27, 2017
Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada qaarkood oo Muqdisho soo gaaray

 

Jimco, October, 27, 2017 (HOL) - Iyadoo loo balansan yahay 28ka bishan oo beegan maalinta berri ah in uu Muqdisho shir wadatashi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulada dalka ka jira, ayaa waxaa Muqdisho soo gaaray qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan.

Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Maxamed Cabdi Waare iyo Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale maalinta berri ah la filayaa in ay caasimada soo gaaraan madaxweynayaasha maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirkan ku baaqay kaddib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhaxgalay dowladda dhexe iyo madaxda dowlad gobolleedyada oo shir u gaar ah ku yeeshay magaalada Kismaayo dhawaan.

 

Shirkaa ayeey uga dhawaaqeen madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Isbaheysi ay ku mideysan yihiin waxaana guddoomiye ka ah madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Inkastoo maalinta berri ah la filayo in uu shirkani furmo, haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu dib u dhaci karo ilaa 29ka bishan oo ku beegan Axada nagu soo foolka leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]