4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 27, 2017
Guddoomiye Taabit ‘’ Waxaan ka shaqeyneynaa in gadiidka xamuulka ah waddo gaar ah isticmaalaan

 

Jimco, October, 27, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo la hadlayay maanta Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in maamulkiisu qorsheynayo in hal waddo oo kaliya isticmaalaan gadiidka xamuulka qaaday magaalada Muqdisho.

‘’Waxaa qorshaheenu yahay in waddo kaliya loo yeelo gadiidka xamuulka qaaday, waxaana arintaan aan ka wada shaqeyneynaa iskaashatooyinka gaadiidka iyo weliba ciidamada taraafikada ayuu yiri guddoomiye Taabit.

Wuxuu sheegay guddoomiye Taabit in aysan suuragal aheyn in dekadda ay qaabisho gawaari badan, sidaasi darteedan gaadiidka Xamuulka waqtiyo gaar ah ay shaqeyn doonaan si ciriiri aysan ugu keenin wadooyinka kale ee Muqdisho.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa haatan noqday ciriiri kadib markii wadooyin jid cadayaal oo muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka la xirey waxayna taasi qasabtay in gaadiidka oo idil ay laamiyada maraan taasoo xilliyada qaar gaadiidku aysan helin meel ay kala maraan.

Dadka reer Muqdisho ayaa hadda u muuqda kuwo dareen badan ka qaba gadiidka xamuulka ah ee isticmaala jidadka caasimada kaddib qaraxii Zoobe oo uu fuliyay gaari weyn oo kuwa xamuulka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]