4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 27, 2017
Madaxweyne Siilaanyo oo xilkii ka qaaday Badhasaabkii gobolka Maroodi jeex

 

Jimco, Octobar,27,  2017 (HOL)- Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa xilkii ka qaaday Badhasaabkii gobolka Maroodi jeex Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) oo muddo bil ka yar xilkan loo soo wareejiyey kaddib markii laga soo bedelay gobolka Awdal oo uu madaxweyne ku xigeenku shaqadda ka joojiyey.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa markiiba xilkaasi u magacaabay mas'uul kale oo magaciisa la yidhaahdo Mire Maxamed oo madaxweynuhu amray in uu xilkaasi ku wareejiyo.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-5169/102017 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.”ayaa lagu yidhi qoraal madaxweynaha xafiiskiisa ka soo baxay.

“Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland.”ayuu madaxweynuhu qoraalkiisa raaciyey.

Dhinaca kale, Badhasaabka gobolka Maroodi jeex Mustafe Shiine ee xilka laga qaaday ayaa ka hadlay xilkaasi laga qaaday waxaanu ku dooday in xil ka qaadistu ay tahay mid dastuuri oo uu madaxweynuhu u madax banaan yahay inuu xil masuul u magacaabo iyo in laga qaaddo.

“Waxaan baraha bulshada ku arkay in xilkii la iga qaaday, waana arrin dastuuri ah in madaxweynuhu marka uu doono xilka ka qaado marka uu doonana xil u magacaabo, waana u mahad celinayaa madaxweynaha xilalkaasi kala duwan ee uu ii magacaabay”ayuu yidhi Mustafe Shiine oo ka dareen celinayey xilkaasi laga qaaday.

Mustafe Shiine wuxuu sheegay inuu ka fikirayo inuu iska nasto oo aanu xisbiba ku biirin iyo inuu xisbiyada ku kala biiro.

Inkasta oo aan la sheegin sababta xilka looga qaaday, haseyeeshee dadka siyaasadda odorosaa ayaa arrintaasi ku tilmaamay in loo tuhmay inuu Mustafe shiine xilkaasi iska casilayo sidaas darteed madaxweynuhu kaga horeeyey inta aanu xilka iska casilin, iyadoo maalmihii u dambeeyey wararku sheegayaan in masuuliyiin xilal kala duwan ka haya xukuumadda madaxweyne siilaano la filayo inay xilalka ay hayaan iska casilaan ka dibna ay ku biiraan xisbiga mucaaradka ah ee WADANI si ay u sii xoojiyaan,isla markaana xukuumadda wakhtigeeddu dhamaaday aanay la sugin inay la dhamaystaan balse is casilaan, taasina ay keentay sababta gudoomiyaha gobolka Maroodi jeex xilka looga qaaday inay daba socoto dadka la tuhmayo inay damacsan yihiin inay is casilaan, inkastoo Mustafe Shiine sheegay in aanu ku tallo jirin in uu is casilo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.