4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 27, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo booqday dhaawacyadii Qaraxii Zoobe ee lagu daweynayo Turkiga

 

Jimco, October, 27, 2017 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa booqday Isbitaallada ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Booqashada ra’iisal wasaaraha wasaaraha waxaa ku wehlinayay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga, Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Dhaawacyadan ayaa isugu jira kuwo xaaladoodu soo wanaagsanaaneyso iyo qaar waliba qaba dhaawacyo culus oo ay dhaqaatiirtu la tacaalayaan.

Xildhibaannada ra’iisal wasaaraha ku wehlinayay booqsahadiisa ayaa sheegay in arintan muujineyso in dowladdu aysan dhaawacyada soo qaadin oo kaliya laakiin wali daba joogto sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad.

Sidoo kale ra’iisal wasaaraha ayaa la kulmay Ehelada dadka dhaawacyada la jira kuwaas oo uu ka dhageystay warbixin la xiriirta xaalada Isbitaallada iyo haddii ay jiraan dhibaatooyin heysta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]