3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 27, 2017
Agaasimaha hay’addaha nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka oo eedeyn u jeediyay beesha calaamka

 

Jimco, October, 27, 2017 (HOL) -Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa ku dhalleeceeyey beesha caalamka gaar ahana waddamada US, UK iyo Qaramada Midoobay inay ka gaabiyeen inay hay’adaha amniga Soomaaliya ku caawiyaan khibrad iyo qalab farsamo si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabab.

Sanabaloolshe ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay soo dhowaynayso garab istaaga beesha caalamka gaar ahaan kadib weerarkii dhowaan ka dhacay Muqdishu balse haddana dagaalka Al-Shabab uu u baahan yahay wax ka badan dhalleecayn iyo cambaarayn.

Agaasimaha hay’adda nabadsugidda waxa uu ku sheegay qoraalkiisa jariiradda New York Times in Soomaaliya ay u baahan tahay kaalmo dhinaca khubaradda iyo qalabka iskugu jirta, iyo weliba qaab cusub oo uu yeesho iskaashiga ay leeyihiin hay’adaha amniga Soomaaliya iyo kuwa caalamka.

Sanabloolse waxa uu muujiyey in hay’adda nabadsugidda ay caqabado ka haystaan dhinaca ka hortagga weerarrada Al-Shabab ee qaraxyada, isagoo sheegay in Al-Shabab ay si weyn u kordhiyeen isticmaalka qaraxyada iyo weliba culayska ay leeyihiin oo uu sheegay inuu ku bilowday ilaa 100 kiilo haatanna uu gaadhayo ilaa 1000 kiilo.

Waxa uu sheegay Sanbaloolshe in hay’adaha caalamka ee leh khibradda inay ka gaabiyeen inay iskaashi dhinaca wadaagista xogta ah oo ay siiyaan hay’adda nabadsugidda.

Waxaa uu sheegay in khubarada waddamada qaarkood ay yimaadaan Soomaaliya kadibna baadhitaan ay ku sameeyaan qaraxyada balse natiijada qaraxada aysan dib ugu soo celin hay’adaha Soomaaliya.

Matt Bryden oo ah khabiir ka faallooda arirmaha amniga iyo istiraatijiyada gobolka Geeska Afrika,  ayaa sheegay in hadalllada agaasimaha ay wax ka jiraan.

''Waxaan ka fahmay farriinta agaasimaha marka la eego qaraxyada waxay dawladdu codsanayasay kaalmo khaas ah oo ay kaga hortagto weerarrada waaweyn mana aysan helin. Waxay isku dayeen haydaha amniga ee Soomaalidu in ay yareeyaan halista balse ma helin kaalmo ku aaddan sidii ay u joojin lahaayeen qaraxyada oo ay ka yimaadaan geerida iyo dhaawaca ka dhasha weerarada Al-Shabab badankood” ayuu yiri Matt Bryden

Matt Bryden oo ah agaasimaha hay’adda Sahan Research waxa uu sheegay in qiimaynta ay hay’addiisu samaysay ay ku ogaatay in laamaha amniga Soomaalidu heleen qalab loo adeegsado sidii loo furfuri lahaa qaraxyada balse aysan haysan shaybaarkii baadhista iyo qiimaynta khibradeed ee kasoo baxda baadhitaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]












Click here
10/27/2017 11:58 AM EST
Jimco, October, 27, 2017 (HOL) - Iyadoo loo balansan yahay 28ka bishan oo beegan maalinta berri ah in uu Muqdisho shir wadatashi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulada dalka ka jira, ayaa waxaa Muqdisho soo gaaray qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan.

10/27/2017 8:21 AM EST
Jimco, October, 27, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo la hadlayay maanta Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in maamulkiisu qorsheynayo in hal waddo oo kaliya isticmaalaan gadiidka xamuulka qaaday magaalada Muqdisho.

10/27/2017 4:40 AM EST
Jimco, October, 27, 2017 (HOL) - Munaasabad lagu soo dhaweynayay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay lagu qabtay xarunta degmada Warshiiq ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

10/27/2017 4:21 AM EST
Jimco, Octobar,27, 2017 (HOL)- Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa xilkii ka qaaday Badhasaabkii gobolka Maroodi jeex Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) oo muddo bil ka yar xilkan loo soo wareejiyey ka dib markii laga soo bedelay gobolka Awdal oo uu madaxweyne ku xigeenku shaqadda ka joojiyey.

10/27/2017 2:48 AM EST
Jimco, October, 27, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la kulmay Madaxweynaha dalkaasi Rajib dayid Erdogan.

10/27/2017 2:29 AM EST
Jimco, October, 27, 2017 (HOL) - Waxaa xalay soo xirmay goobihii doorashada madaxtinimada dalka Kenya, iyadoo hadda lagu howlan yahay tirinta codkii la dhiibtay si marka danbe loo soo saaro natiijada kama danbeysta ah cidda ku guuleysatay doorashada ku celiska ah ee dalkaasi mar kale ka dhacday.

10/27/2017 2:08 AM EST
Jimco, October, 27, 2017 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa booqday Isbitaallada ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

10/27/2017 1:50 AM EST
Jimco, October, 27, 2017 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay eedeymo inta badan loo jeediyo oo ah in aysan bixin mishaaradka kala duwan ee shaqaalaha dowladda iyo ciidamada oo marar badan oo hore arrintan cabasho ka keenay.

10/27/2017 1:29 AM EST
Jimco, October, 27, 2017 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab ayaa degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe waxaa ay meel fagaaro ah xukun Dhagax ku dil ah ku fuliyeen haweenney Siddeed Carruur ah dhashay oo ay ku eedeeyeen in ay labo nin is guursatay.