Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – Ra’iisul
wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan
Cali Kheyre oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa maanta la kulmay Ra’iisul
Wasaaraha Turkiga Binali Yildrim.
Kulanka labada mas’uul ayaa ka dhacay
Qasriga ra’iisul wasaaraha Turkiga ee magaalada Ankara, waxaana halkaas hab
maamuus soo dhoweyn heerkeedu sareysay loogu sameeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, amniga,
dhaqaalaha, caafimaadka iyo la dagaalanka Argagixisda.
Kheyre ayaa sheegay in Turkiga mar walba taageero shacabka
iyo dowladda Soomaaliyeed, isla markaana aanay marnaba ilaabi doono abaalka
walaalaha Turkiga.
Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay gurmadkii ay u soo
direen Soomaaliya, kaddib qaraxii Zoobe, waxaana uu xusay in Turkiga uu yahay
saaxib iyo walaal mar walba garab taagan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisal wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulan la qaato madaxweynaha Turkiga
Recep Tayyib Erdogan, sidoo kale waxaa uu booqan doonaa dhaawacyada laga keenay
Muqdisho ee ku wax yeeloobay qaraxii 14-kii bishan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]