Shirkii gollaha wasaarada oo looga hadlay Qaraxii 14kii bishan ka dhacay Muqdisho
Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) - Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya
ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar). Arrimaha
diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa Masiibadii Qaran ee 14kii
Oktoober 2017, Geeridii General Maxamed Abshir Muse, Geedisocodka Deyn-Cafiska
iyo arrimo kale.
Ugu horreyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay
in Dhacdadii 14ka Oktoober ay aheyd dhacdo xannuun badan kana codsaday Guddiga
Gurmadka Qaran inay warbixin ka siiyaan golaha wasiirada Masiibadii Qaran ee
14kii Oktoober 2017.
Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystay Guddiga
Dhalinyarada Is-xilqaamay ee Gurmad Qaran oo ka warbixiyey howlaha muhiimka ah
oo ay qabtaan tan iyo 14kii Oktoober oo ay abaabuleen dhalinyarada dalka
gudihiisa iyo dibadiisa, isla markaasna si hagar la’aan ah ugu gurmaday dadkii
waxyeeladu soo gaartay. Guddiga ayaa u mahadceliyey dhammaan cidwalba oo
gurmadka ka qeyqaadatay gaar ahaan dhalinyarada, Guddoomiyaha Gooblka Benaadir,
Bahda warbaahinta, gaar ahaan SNTV oo si toos ah bulshada uga soo tabineysey
xarunta gurmadka.
Sidoo kale waxaa la ammaanay doorka Soomaalinimada ah ee
la muujiyey oo ay Dowlada Federaalka hormuud ka aheyd. Agaasimaha Socdaalka
& Jinsiyadaha oo dhaawacyada u diyaariyey baasabooro lagu qaaday. Sidoo
kale waxaa la ammaanay dhaqaale ururinta ka socota dalka iyo gudihiisa, gaar
ahaan Boosaaso iyo Nairobi oo dhaqaale looga aruuriyey.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Sii Hayaha xilka Wasiirka
Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey safarkii Madaxweynaha uu ku tagey Uganda,
Ethiopia iyo Djibouti oo si guul ah ku soo dhammaaday, laguna heshiiyey in
ciidamda Xooga Dalka iyo kuwa AMISOM ay si wadajir ah uga wada qeybqaataan dib
u xoreynta dalka si kooxaha argagaxisada ah looga sifeeyo dalka oo dhan.
Wasiirka Maaliyada ayaa ka warbixiyey geedisocodka
deyn-cafiska oo ay Dawladda Federaalka mudo kala shaqeyneysay hay’ada Lacagta
Adduunka (IMF). Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka Kalluumeysiga ayaa ku qanciyey
IMF in Somalia laga cafiyo deymaha si dalka looga hirgeliyo mashaariic
horumarineed.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ka warbixiyey kulanka sanadlaha ah ee
hay’ada Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo uu ka qeybgalay, iyadoo Somalia ay ka
mid noqotay xubin buuxda oo leh codeyn. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inuu
xiriir wanaagsan la soo sameeyey wadamo badan.
Golaha Wasiirada ayaa tacsiyo qaran u diray shacabka
Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geeriyooday marxuum Jeneral Maxamed Abshir Muse
oo ku geeriyooday dalka Mareykanka. Marxuumka ayaa ahaa Taliyihii ugu horreeyey
ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kana mid ahaa xildhibaanadii dowladdii lagu
soo yageleelay Carta, kana soo qeybqaatay xornimda dalka, islamarkaasna ku guuleystay
in Soomaaliya ay yeelatay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ahaa
ciidan dishibiliin leh, bulshada la shaqeeya, sugayna amniga iyo kala danbeynta
dalka, caana ka ahaa Afrika.
Dawladda Federaalka ayaa guddi u saareysa qabanqaabiyey
baroordiiq sidii loogu sameyn lahaa oo loo xusi lahaa doorkiisii wadaninimada,
xil-kasnimada, waaayo-aragnimada ee uu ku soo hoggaamiyey ciidanka Booliiska
Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay casuumada
uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi
Maxamed Farmaajo u fidiyey Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Puntland,
GalMudug, HirShabelle, Koofur-Galbeed, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka
Benaadir oo lagu wado inuu shirkooda qabsoomo 28ka Oktoobar 2017. Xukuumada
ayaa wada qabanqaabada shirkaas, oo looga hadli doono xoojinta midnimada iyo
wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin
hal-cod iyo hal-qof ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]