4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 26, 2017
Dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo looga dhawaaqay Jubooyinka


Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo maanta booqday deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga began Kismaayo ayaa ugu baaqay ciidamada kala duwan ee Jubbaland in ay u diyaargaroobaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo uu sheegay in dhawaan ay ka bilaaban doonaan guud ahaan, dalka gaar ahaan gobollada Jubooyinka.

Madaxweynaha oo la hadlayay ciidamo ku sugan deegaanka Buulogaduud ayaaa sheegay in dhawaan ay bilaaban doonaan howlgallo Al-shabaab looga saarayo gobolka J/dhexe iyo qeybaha ay uga suganyihin gobolka J/hoose, waxa uu ciidamada ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan howlgalladaasi.

Waxa uu sheegay in qorshaha howlgalka uu yahay midkii ugu danbeeyay oo lagu doonayo in lagu qabto dhulka ay Shabaab maamulaan ee Jubbaland, isaga intaa ku daray in mudada uu howlgalku socdo uu ku sugnaan doono furimaha dagaalka.

“ Ciidamada ayaan dhex joogi doona si aan idinla qaybsado waqtiyada adag ee aad wadankiinna u halgamaysaan, anigoo huba in aad guulaysan doontaan“ ayuu hadalkiisii raaciyay.

Al-shabaab ayaa si buuxda u maamula gobolka J/dhexe, ayagoo sidoo kale ku sugan qeybo ka tirsan gobollada J/hoose iyo Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.