4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 26, 2017
Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Bariga gobolka Mudug

 

Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – Dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamulka Galmudug iyo Puntland ayaa maanta ka dhacay degaanada Gacmafuule, Cali Waal iyo Godad oo dhammaantood dhaca Bariga Gobolka Mudug.

Dagaalkan oo soo bilowday aroornimadii hore ee saakay ayaa waxa ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, maadaama intii uu dagaalka socday ay soo gaarayeen gurmadyo kala duwan.

Dagaalka oo hadda u muuqda mid istaagay ayaa dhinaca kale waxaa wali is hor fadhiya maleeshiyaadkii ku diraray halkaa.

Tiro ka badan 10 ruux oo maleeshiyaadkii dagaalamay ah ayaa lagu waramayaa in ay dhinteen halka ku dhawaad 20 ruux kalana ay ku dhaawacmeen dagaalka.

Duqa magaalada Gaalkacyo Yuusuf Xirsi Bare ee dhanka Galmudug ayaa wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaalka Bariga Gobolka Mudug, wuxuuna sheegay ka maamul ahaan in ay wax ka qaban doonaan colaadahan.

Dagaalka maanta ayaa ka duwan dagaalada soo noq noqday ee labada dhinac billihii ugu dambeeyay ku dhex maraayay Gobolkaasi Mudug, maadaama maanta keliya ay barakac sameeyeen dad aad u badan.

Dadka reer Gaalkacyo, ayaa walaac ka muujinaya dagaalka culus ee Maamulada Galmudug iyo Puntland ku dhexmara Bariga Gobolka Mudug, waxayna dadku ka baqdin qabaan in dagaal uu ka qarxo magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]