4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 26, 2017
Galmudug oo eedeyn culus u jeedisay xukuumada Soomaaliya

 

Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) –  War ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa ku eedeynaya xukuumada Soomaaliya in ay wali ka wadaan deegaannada Galmudug dhaqdhaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Warkan ayaa shaki galinaya ka qeybgalka Galmudug ee shirka uu ku baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isugu yeeray madaxda dowlad gobolleedyada si loo dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee jira.

Hadba Akhrsi Warka ka soo baxay Galmudug oo sidan u dhignaa :

Tan iyo markii uu fashilmay Inqilaabkii la damacsanaa in lagu minjaxaabiyo, xilkana looga qaado madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa jiray farsamooyin hor leh oo ay adeegsanayeen xubno qaswadayaal ah oo ku ganbanaya magaca xukuumadda, iyadoo ay ku dhex socotay martiqaad uu u fidiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dowlad Goboleedka xubnaha ka ah DFS, si looga wada xaajoodo tabashooyin ay Dowlad Goboleedyadu ka muujiyeen hannaanka wadashaqaynta Dowladda Federaalka iyo D/Goboleedyada, ka dib markii ay ku shireen Kismaayo horaantii bishan October/2017ka.

Waxaa nasiibdarro iyo lama filaan ah in xubnaha aan kor ku soo sheegnay ay weli ku wadaan debandaabyadii ay kula dhaqmayeen Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo ay ku soo qul-qulayaan Cadaado shakhsiyaad aad u adeegsanaya dhaqaale oo olole siyaasadeed ka wada, Xildhibaano laga soo tashkiiliyay Muqdisho, dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo Cadaado iyo adeegsiga Maxkamadda Sare ee DFS oo gal dacwadeed ladaba socota Madaxweynaha DGGM, taas oo Maamulka Galmudug horey uga jawaabay dacwadaas in aanay xaq u lahayn qaadisteeda Maxkamadda Sare ee DFS, balse haddii ay jirto dacwadaas ay xaq u leeyihiin Hay’adaha Garsoorka Galmudug.

Dhammaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa ka dhalatay kalsooni darro iyo muuqaal ah in weli ay socoto dhibaatadii ay qaswadayaashu ku hayeen Dowlad Goboleedka Galmudug.

Haddaba, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Golaha Sharcidejinta Baarlamaanka FS, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya, Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedya DFS iyo dalalka aan saaxiibada nahay ee daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaan ka codsanaynaa in culayska saaran Galmudug laga qaado, si ay noogu suuragasho inaan ka soo qaybgalno shirka loo ballansan yahay 28-ka bishan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]