4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 26, 2017
Faah faahin ku saabsan Qarax xalay ka dhacay guri ku yaala degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir

 

Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) –  Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay guri ku yaal degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir kaa oo la sheegay in halkaa lagu farsameeynayay.

Qofkii Qarax diyaarinayay ayaa la sheegay in uu isla goobta ku geeriyooday, waxaana sidoo kale halkaa ku dhaawacmay xubno ka tirsan qoyskiisa.

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo goobta tagay ayaa lagu waramayaa in ay la wareegeen guriga.

Dadka xaafadda uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in Ninka guriga degenaa ee la tuhusan yhay in uu qaraxa diyaarinayay ka yimid shalay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa qaraxa ku dhaawacmay xaaskiisa iyo wiilkiisa oo hoyga la degenaa.

Saraakiisha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Ninka Qaraxa ku dhintay uga shakisan yihiin in uu xiriir la lahaa Al-Shabaab, hasse ahaatee ma jirto faah faahin rasmi ah oo ka soo baxay baaritaankooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]