4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 26, 2017
Mareykanka ugu baaqay shacabka Kenya in dhowro xasiloonida

 

Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – Dowlada Mareykanka ayaa ku guubaabisay dhamaan shacabka reer Kenya in ay isdajiyaan oo ay diidaan qalalaaso isla markaana u hoggaansamaan mabaadi,da dastuurkooda, xilli maanta loo dareerayo doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.

Bayaan kasoo baaxay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu aad uga walwalsanyahay dadaalada sii soconaya ee ay labada xisbi ee dalkaasi ku faragelinayaan howlaha madaxa bannaan ee guddiga doorashooyinka, hey’adaha garsoorka iyo laamaha kale ee muhiimka ah.

Mareykanka ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarki lagu khaarijiyay nin ilaalo u ahaa ku xigeenka madaxa caddaalada Kenya.

Warka kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa loogu baaqay dhinacyada siyaasadda Kenya in ay si dhaqso ah u furan wadahadalo hufan si loo soo dhameeyo is afgaran waaga siyaasadeed.

Kenya ayaa waxaa maanta ka dhaceysa doorasho madaxtinimo oo ku celis ah.

Mucaaradka ayaa qaadacay, halka madaxweyne Kenyatta uu sheegay in doorashadu ay u dhici doonto sidi loogu talagalay.

VOA