4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 26, 2017
Dadka reer Kenya oo maanta u dareeray goobaha codeynta doorashada madaxweynaha

 

Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – Shacabka ku dhaqan dalka Kenya ayaa maanta oo Khamiis ah u dareeray goobaha cod bixinta ee doorashada ku celiska ah ee horay u go’aamisay Maxkamadda sare ee dalka Kenya.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa ciidamo la geeyay goobaha ay ka socoto cod bixinta oo ay dadka safaf dhaadheer ugu jiraan.

Goobaha cod bixinta ayaa saaka abaarihii 6-dii subaxnimo la furay, waxaana cod bixinta meelaha qaar ku bilaabatay si degan.

Balse deegaanada ay mucaaradka ku xooggan yihiin ayaa waxaa ka bilowday rabshado, halka meelaha qaar aanay dadka guryahooda ka soo bixin.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay dadka Kenya inay codeeyaan, isla markaana ammaanka la ilaaliyo.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa qaadacay doorashadan ku celiska ah, isagoo ugu baaqay taageerayaashiisa in aysan codeyn.

Horaantii bishii September ayay aheyd markii Maxkamadda sare ee dalka Kenya ay laashay natiijadii doorashadii 8 August uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta, waxaana Maxkamaddu ku amartay in la qabto doorasho ku celis ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]