3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 26, 2017
Dowladda oo is badal ku sameysay safiirada ilaa 8 Dal

Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa is bedel ku sameeyay Safiirada illaa 8 dal oo bishii hore loogu yeeray inay dalka ku yimaadaan muddo 30 cisho ah, si isbedel loogu sameeyo.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah is bedelo la doonayo in lagu sameeyo Safiiro muddo xil heyntooda ay dheeraatay, waxaana wajiga hore la bedelay illaa 8 Safiir oo kala ah, Jabuuti, China, Uganda, Sudan, Kuwait, Qatar, Abu Dhabi iyo Zambia.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]














Click here
10/26/2017 11:57 AM EST
Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Binali Yildrim.

10/26/2017 8:48 AM EST
Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) –Munaasabad maanta lagu qabtay xarunta School Police –yo ayaa looga dhawaaqay deeq lacageed oo taliska booliiska Soomaaliyeed ugu deeqay dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe KM5 magaalada Muqdisho.

10/26/2017 8:03 AM EST
Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) - Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar). Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa Masiibadii Qaran ee 14kii Oktoober 2017, Geeridii General Maxamed Abshir Muse, Geedisocodka Deyn-Cafiska iyo arrimo kale.

10/26/2017 7:36 AM EST
Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo maanta booqday deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga began KIsmaayo ayaa ugu baaqay ciidamada kala duwan ee jubaland in ay u diyaargaroobaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo uu sheegay in dhawaan ay ka bilaaban doonaan guud ahaan, dalka gaar ahaan gobollada Jubooyinka.

10/26/2017 6:56 AM EST
Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – Dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamulka Galmudug iyo Puntland ayaa maanta ka dhacay degaanada Gacmafuule, Cali Waal iyo Godad oo dhammaantood dhaca Bariga Gobolka Mudug.

10/26/2017 4:12 AM EST
Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – Qoraal ay soo saareen danjirayaasha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay Nairobi ayeey ku sheegeen in ay si murugo leh isha ugu hayaan arrimaha doorashada ee ka socda Kenya.

10/26/2017 3:13 AM EST
Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – War ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa ku eedeynaya xukuumada Soomaaliya in ay wali ka wadaan deegaannada Galmudug dhaqdhaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

10/26/2017 3:00 AM EST
Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay guri ku yaal degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir kaa oo la sheegay in halkaa lagu farsameeynayay.

10/26/2017 2:48 AM EST
Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – Dowlada Mareykanka ayaa ku guubaabisay dhamaan shacabka reer Kenya in ay isdajiyaan oo ay diidaan qalalaaso isla markaana u hoggaansamaan mabaadi,da dastuurkooda, xilli maanta loo dareerayo doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.

10/26/2017 2:38 AM EST
Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Jeneral Maxamed Abshir Muse oo hore u soo noqday taliyihii ugu horreeyey ee ciidamada booliiska Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka ku geeriyooday.

10/26/2017 2:29 AM EST
Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – Shacabka ku dhaqan dalka Kenya ayaa maanta oo Khamiis ah u dareeray goobaha cod bixinta ee doorashada ku celiska ah ee horay u go’aamisay Maxkamadda sare ee dalka Kenya.

10/26/2017 2:09 AM EST
Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) - Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa xalay waxaa ka dhacay Qarax, kaasi oo si weyn looga maqlay qaar ka tirsan xaafadaha ku yaalla degmada.