4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 26, 2017
Qarax iyo dilal xalay ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho

 

Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) - Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa xalay waxaa ka dhacay Qarax, kaasi oo si weyn looga maqlay qaar ka tirsan xaafadaha ku yaalla degmada.

Qaraxan ayaa ka dhex dhacay Guri ku yaalla degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, halkaasi oo la sheegay in lagu diyaarinayay sida ay sheegeen hay’adaha ammaanka.

Saraakiisha ciidamada ayaaa warbaahinta u sheegay in uu ku dhintay Ninkii diyaarinayay, iyo wiil yar oo uu dhalay, sidoo kalena uu dhaawac ka soo gaaray xaaskiisa.

Waxay kaloo in oo sheegeen saraakiisha ninka ku dhintay Qaraxan in shalay uu ka yimid degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degmada Kaaraan ayaa siweyn u hadal hayay dhacdadan, iyada oo dadkii ku waxyeeloobay qaraxan ay soo qaadeen hay’addaha Amniga.

Dhinaca rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab ayaa xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Seybiyaano degmada Hodan waxaa ay ku dileen haweeney ka tirsaneyd booliska Soomaaliya..

Dhalinyaro bastoolado ku hubeysneyd ayaa haweeneydan waxa ay ku toogteen dukaan yar oo ay halkaasi ku laheyd, maadaama maalinkii ay shaqadeeda booliska gudan jirtay, halka habeenkiina ay dukaankeeda iibsan jirtay.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Kaaha Jaamac, sida ay warbaahinta ay u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda federaalka oo goobta tagay.

Kooxdii dilka geysatay ayaa waxaa ay ka baxsadeen goobta, ka hor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidamada dowladda Federaalka oo baaritaano ka sameeyay xaafada Seybiyaano.

Dilalka qorsheysan ee ay fuliyaan kooxaha bastooladaha ku hubeysan ayaa ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii muddooyinkii dambe ammaanka magaalada uu ahaa mid hagaagsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]