4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 25, 2017
Janaraal Maxamed Abshir Muse oo ku Geeryooday Minnesota

Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) –Jan. Maxamed Abshir Muse oo lixdanaadkii ahaa taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta ku geeryooday gobolka Minnesota.

marxuumka ayaa ku noolaa gobolkaan Minnesota tan horaantii labada kun.

Allaha u naxariistii geerida marxuumka waxaa HOL u xaqiijiyey Sh Cabdimalik M oo ka mida qoyska  Maxamed Abshir Muuse.

Allaha u naxariistee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ayaa sanadkii 2002dii waraysi uu siiyey Somali TV  ku sheegay inuu ahaa qofkii ugu horeeyay  ee qaata darajada Janaraal.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamud ayaa Janaraalka kula kulmay sanadkii 2014kii Minnesota isagoo ugu yimi salaam sharafeed.

Allaha u naxariistee marxuumka waxaa bari lagu aasi doonaa qabuuraha magaaladda Burnsvile ee gobolka Minnesota.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis MN