4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 25, 2017
Safiirkii Soomaaliya UK Cabdiraxmaan Caynte oo is Casilay

Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) –Cabdiraxmaan Caynte oo madaxwaynaha Soomaaliya u magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya doona dalka Ingiriiska ayaa xilkii safarnimo iska casilay,

Safiirka hore ee ingiriiiska ayaan kula xiiriiray bartiisa arimaha bulshada ayaa ii xaqiiyey is casilaadiisa uu iigu sheegay arimo isaga u gaara.

Cabdiraxmaan Caynte oo ahaa Wasiirkii hore ee wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalimiga ah  ee dowladii hore ee Soomaaliya uu hogaaminaayay Madaxwayne Xasan Sh Maxmaud,ayaa ii sheegay in loo magaacabay Agaasimaha Siyaasada iyo Qorsheynta ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Bariga dhexe,isagoo ka hawlgali doona dalalka kala ah Falastiin, Siiriya, Lubnaan, Jordan & Masar.,waxaaana xilkaan u magacowday hay'adda Qaramada Midoowday.

Cabdiraxmaan Caynte  xilkaan uu iska casilay ayaa loo magaacabay xili laga joogo Afar bilood bishii Juun 2017ka ,xiligaas oo ku beegneed goortii uu socday shirkii magalaada Londan looga hadlaayay arimaha Soomaaliya ,

Safiirka is casilay Cabdiraxmaan Caynte oo xilkaas ku magacaabnaa mudadaas Afarta bilood ah ayaan Dowladda Ingiriiska  wali kala wareegin waraaqahii aqoonsiga ee safiirnimo.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneaplis MN