4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 25, 2017
Madaxweyne farmaajo oo ka warbixiyay safar uu ku tagay dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti

 

Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar qaatay saddex cisho oo uu ku tagay dalalka deriska ee Cidiamada ka jooga Soomaaliya.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayuu sheegay in in dalalkii uu booqday uu kala hadlay sidii ciidamada xoogga dalka ay gacan ugu siin lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan Madaxda dalalkii uu booqday ay isku afgarteen in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab, islamarkaana loo midoobo dagaalka lagu qaadayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaraxii dhowaan ka dhacay isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen ku dhawaad 400 oo ruux ay muujineyso sida Al-Shabaab ula dagaalamayaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in aan Al-Shabaab loogu dulqaadan doonin gurmaadka ay shacabka ku heyso, isla markaana ay dowladda ka go’an tahay in Al-Shabaab laga xoreeyo guud ahaan dalka.

Axadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo booqasho qaadatay saddex cisho uu ku tagay dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti, halkaasoo uu kula soo kulmay madaxda dalalkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]