4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 25, 2017
AMISOM ‘’ Qarax iyo weerar toos ah ayaan la kulanay

 

Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ka hadlay weerar saacadihii hore ee maanta ka dhacay deegaanka Lafoole, gaar ahaan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana jira eedeymo soo baxaya oo ah in AMISOM halkaa ku lahaayeen dad rayid ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada AMISOM oo lagu magacaabo Wilson Rono ayaa sheegay in in qarax iyo dagaal toos ah ay la kulmeen ciidamada AMISOM, laakiin wuxuu sheegay in uusan xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi.

“Kolonyo ciidamadeena oo marayay meel u dhow degmada Afgooye ayaa waxay la kulmeen qarax iyo dagaal toos ah, iyadoo ciidamada ay sameeyeen iska caabin, lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarka, dib ayaan ka soo sheegi doonnaa macluumaadka saxda ah”

Goobjogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa kaddib ciidamada AMISOM si bareer ah u toogteen dad rayid ah.

Nin magaciisa ku sheegay Mustaf Cabdi Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada AMISOM toogasho ku dileen Aabihii oo shaqo ku sii socday.

Ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay in ay dileen Macalin ka tirsanaa dugsi lagu magacaabo Alfurqaan oo ku yaala deegaanka Jaamacadda Beeraha ee gobolka Shabeellaha Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]