4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 25, 2017
Doorashada Kenya oo dhaceysa waqtigii loogu talagalay Khamiista Beri ah

 

Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Qareenada guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in doorashada ku celiska ah ee Khamiista ay qabsoomi doonto sida uu markii horaba qorshuhu ahaa kaddib markii garsoorayaal ku filan ay soo xaadiri waayeen fadhi gaar ah oo ay maxkamda ugu sarreysa dalka ka yeelan lahayd arrintan.

Maxkamadda ayaa lagu waday in ay dhageysato dalab lagu doonayay in dib loogu dhigo doorashada ka dib markii laba ka mid ah todobada garsoore ee maxkamdda ay soo aadireen.

Urur u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa doonayay in dib loo dhigo doorashada maadama guddiga doorashada uusan diyaarsanayn.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa isaga baxay tartanka, isagoo dhaliilay qaabka uu guddigu u abbaaray qabanqaabada doorashada ku celiska ah.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeystay in doorashada ay qabsoonto Khamiista, isaga oo ka digay go’aan ka dhan ah doorashada Khamiista.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]